Madaxweynaha maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Deni ayaa farriin u diray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan 4 sano uu khilaaf xooggani kala dhaxeeyey.
Deni ayaa sheegay in uu kula talinayo Xasan Sheekh Maxamuud in uu is casilo, isaga oo ku eedeeyay in uu ku fashilmay wax uu ku tilmaamay isku haynta dadka iyo dalka iyo in uu qabto doorashooyin heshiis lagu yahay.
"Waxaan kula talin lahaa Xasan Sheekh, isaga oo dadka, dalka iyo tiisaba u turayo in uu is-casilo, si loo helo Gole Ku-meelgaar ah oo ka shaqeeya doorashooyinka iyo ammaanka” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.
Hadalka Deni ayaa yimid, iyada oo maamulka Puntland uu horey u sheegay in ay Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsan yahay madaxweyne hore, oo muddo-xileedkiisu dhammaaday ku dhawaad shan bilood ka hor.
